U bood dhigaalka

Xujeyda Soomaaliyeed Oo Helaya Adeegyo Dheeraad Ah

Sheeko:Dalka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sanadkaan ay adeegyo dheeraad ah helayaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in ay diyaariyeen sanadkaan adeegyo aysan xujeyda haysan sanakii hore, haddana ay heli doonaan adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka degdegga ah, gaadiidka gurmadka ah iyo adeegyo kale.

“Xujeyda sanadkaan adeegyo badan bay helayaan, waxay helayaan gogol jiif iyo fadhiba isku ah, waxaa lasoo kordhiyey adeeg caafimaad oo ay ku jiraan 3 gaari oo gurmadka degdegga ah,  lehna xafiisyo ama rugo caafimaad oo xiriir dhow la leh xarumaha caafimaadka Sacuudiga taas oo suurta gelinaysa in bukaan kasto oo meelahan dhow wax looga qaban karin la geeyo meelaha wax looga qaban karo, waxaa hadda jira dhowr qof xujey Soomaaali oo Bukaan ah kuwaa oo loo sameeyay qalliin nooca Wadnaha furan ah, xajka ma dhaafi doono waa lageynayaa gaadiidka gurmadka ayaa qaadaya, carafa la geyn doonaan iyo meel walbo oo xaajiga tagayo” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sanadkaan waxaa xajinaya Xujey badan oo Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Soomaaliya ay xujeyda u diyaarisay dad fududeeya wax walbo oo ay u baahdaan.

Goobjoog News