U bood dhigaalka

Xujeydii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo gaaray Sucuudiga

Sheeko:Dalka

Magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudi Arabia waxaa gaaray xujeydii ugu horeysay oo ka qayb galaya gudashada mid ka mid ah waajibaadka rukniga Islaamka.

Soomaalidan ayaa ka kala timid dalka iyo wadamada kale ee caalamka, kuwaas oo la dejiyay goobo u dhow magaalada Barakaysan ee Maka-Al-Mukarama.

Si gaar ah ayaa dowlada Sacuudiga waxa   ay baaritaan caafimaad ugu samaynaysaa dadka ka imanaya galbeedka wadamada qaarada Afrika halkaasi oo uu ka jiro Fayruska Ebola.

Hoos ka dhageyso wareysiga Hanad Cali Guuleed uu la yeeshay wariye ku suganWariye Madax banaan oo lagu magacaabo Mahad Cabduqaadir Cumar: