U bood dhigaalka

Xukun Dil Ah Oo Lagu Ridey Askari Horey Qof Shacab Ah Ugu Diley B/weyne

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku riddey Mahad Xuseen oo ka tirsanaa Booliiska B/weyne, kadib markii 27-ka bishii hore ku diley magaaladaasi wade Mooto Bajaaj.

Guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa xukunkaan kaga dhowaaqay magaalada B/weyne, isaga oo sheegay in eedeysanahan lagu helay caddeymaha dambiyada lagu soo eedeeyey.

Xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeeyey Mahad in si bareer ah uu Labo xabad ugu dhuftay Marxuum Yaasiin Cali Saney, islamarkaana uu qirtay isaga dambigaasi.

“Markii ay dhageysatay maxkamadda maragii la horkeenay, oo ka hor caddeeyey in eedeysane dable Booliis Mahad Xuseen Labo xabad oo uu ka ridey qorigiisa ay ka dhaceen Marxuum Yaasiin Cali oo ahaa wade Mooto Bajaaj…..maxkamadda waxaa u cadaatay in dable Booliis Mahad Xuseen uu yahay dambiile galay dambigii lagu soo eedeeyey, waxayna maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, guddoomiye Shuute ayaa sheegay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaan u furan tahay inuu racfaan ka qaato.

Goobjoog News