U bood dhigaalka

Xukunno Lagu Riday Rag Lagu Eedeeyey Kufsi Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Cadado ee gobolka Galgaduud lagu soo gaban gabeeyey dhageysiga dacwad rag lagu eedeeyey in ay lug la haayeen  kufsi ka dhacay deegaan hostaga degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud, eedeeysanayaasha ayaa ah shan ruux oo mid kamid ay tahay haweeneen lagu soo oogay ku lug lahaansho.

Eedeysanayaasha ka soo muuqday maxkamadda ayaa magacyadooda lagu sheegay Cadceed Cabdullaahi Ciise, Ifraax Cabdi Maxamed, Liibaan Xuseen Axmed iyo Keyse Maxamuud Nuur iyo Cali Daahir Cabdi oo qirtay falka  waxaana Afarta ragga ah lagu helay inay kufsi wadareed duleedka Galinsoor u geysteen Hodan Maxamed Diini.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xuku ku riday ruuxa halka haweey ah ah, taas oo xeer ilaalintu ku soo eedeysay in ay soo ka xeysay Hodan Maxamed Diini, oo ah ah ruux dhibahana ah oo ay soo shirqooshay  iyaduna ay keentay halka ay afarta rag  ay ku kufsadeen, makamadda magaalada Cadado ay ku riday xukunno kala duwan eedeysanayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Galgaduud ee  magaalada Cadado Sheekh Maxamed Guuleed Keynaan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in 4-kamid ah lagu xukumay 6-bilood oo xarig ah halka eedaysanaha 5-aad oo ah kii  qirtay in xiriir uu kala dhaxeeyay gabadha lagu xukumay jeedal, masaafurin iyo 44-dago Ari ah oo ah meherkii Gabadha  dhibku soo gaaray sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamada Gobolka Galgaduud Sheekh Maxamed.

Goobjoog News