U bood dhigaalka

Xukuumada Kheyre Oo Codka Kalsoonida Ka Heshay Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa goor dhow waxa ay codka kalsoonida ah siiyeen xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta la horgeeyay xildhibaannada.

Kulanka xildhibaannada golaha shacabka oo maanta ku furmay 241 xildhibaan ayaa codka waxaa xukuumadda loogu qaadey qaab gacan tag ah, iyadoo halkaasi uu ku sugnaa Ra’iisul uwasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaannada aqbashay in  xukuumadda ay shaqeyso waxay tiradooda gaareysaa 224 waxaa diidday 15 halka ay ka aamuseen 2

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka C/weli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa ku dhowaaqay in xukuumaddu ay heshay codka kalsoonida ah.

Waxaa la dhaarinayaa wasiirada cusub ee codka kalsoonida ka helay xildhibaannada golaha shacabka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News