U bood dhigaalka

Xukuumada Soomaaliya oo barayaal cusub u diyaarineysa baraamijka "Aada dugsiyada"

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta imtixaan ka qaaday ku dhowaad 150 macalin oo barayaal ka noqon doona barnaamijka Aada Dugsiyada.

Imtixaanka kadib ayaa macalimiinta guuleysta loo qaadan doonaa in ay wax ka dhigaan dugsiyo ku yaalla magaalada Muqdisho oo carruurta Soomaaliyeed si bilaash ah ay wax uga bartaan.

Barnaamijka Aada Dugsiyada ayaa u hir gelin sidii loo baahnaa waxayna wasaaraddu sheegtay in ay sanadkan qaadanayso 490 macalin.

Agaasimaha waaxda Iskuulada ee wasaarada Dr. Maxamed Cilmi Tooxow ayaa xusay in ay qorsheynayaan dhaqan gelinta barnaamijkan oo kumanaan arday ah fursad u noqo doona.

Barnaamijka Aada dugsiyada ayaa sanad iyo ku dhowaad bil jira iyada oo la sheegay in ay ka faa’ideysteen arday gaareysa 60,000 halka xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay sanad ka hor I arday gaaraysa hal Milyan ay ka faa’ideysanayaan.