U bood dhigaalka

Xukuumada Soomaaliya oo soo dhaweysay doorashadii shalay ka dhacday Baydhaba ee maamulka Koonfur Galbeed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ka xukuumada ahaan ay soo dhaweynayaan doorashadii maamulka Koonfur Galbeed ee shalay ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, taas oo uu ku guuleystay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wasiirka oo u waramaayay Idaacadda VOA ayaa sheegay in hambalyo ay u dirayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, isaga oo sheegay in shaqadaasi loo fadhiyay muddo aad u badan, maamulkaanna ay taageeri doonaan.

“Xukuumada ahaan runtii aad ayaan ugu faraxsannahay, in shaqo muddo ku dhaw Laba Sano loo fadhiyay ay soo gaba gabowdo, ugu dambeyn shacabka ku dhaqan Sedaxda gobal ay yeesheen, waan u hambalyeenaynaa ka xukuumad ahaan, gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha, mida kale waxaan u hambalyeenaynaa hogaamiyaha ay doorteen oo ah nin siyaasi ah oo aan jeclahay in wax badan uu u qaban doono dadka gobaladaasi wada dega”

Wasiirka ayaa la weydiiyay su’aal ahayd in hambalyadaan ay tahay mid isaga u gaar ah, iyo in uu ka tarjumaayo guud ahaan xukuumada Soomaaliya.

“Dabcan hadii aan aniga u hambalyeeyo waxaa cad in aan shaqsi ahaan u hadleyn, waxaan ku hadlayaa magaca xukuumada, shakina kuma jiro in xukuumada ay aad ugu faraxsan tahay howshaasi inay soo gaba gabowdo, guulna wey inoo tahay in maamul uu ka sameyso deegaankaasi, waana wax aan muddo ka shaqeyneenay, kuna faraxsannahay inay soo dhamaato aniga oo magaca xukuumada ku hadlaayo”

Dhawaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya waxay soo saareen qoraal ay ku joojinayaan in la hakiyo shirkaasi ka socday magaalada Baydhaba, waxaana wasiirka la su’aalay isbedalkaan hadda yimid.

“Shalay markii la damacsnaa in la joojiyo waxaan cabsi ka qabnay siyaasadda Xamar in saameyn ay ku yeelato, laakiin markii intaasi meesha joogtay, Odayaashi dhaqanka, waxgaradkii iyo siyaasiintii hadii ay howshoia fududeeyeen, sabab aan u dhahno hala joojiyo malahan”

Wasiir Goodax ayaa dhanka kale ka hadlay arinta ku saabsan maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda gobal, waxaana uu sheegay in iyagu kaasi ay u arkeen in uu saameyn ku yeelanaayo gobaladaasi, sidaa darteedna aanay u taageerin.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiir Goodax.

Goobjoog News