U bood dhigaalka

Xukuumadda Federaalka Oo Sheegtay Inay La Dagaallamayso Faqriga

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la dagaallamayso faqriga oo saameeyn adag ku leh nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte oo hadal ka jeediyay furitaanka kulankii Himilooyinka Horumarka waara ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay xil weyn iska saari doonaan sidii faqriga loola dagaallami lahaa.

Waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee faqriga lagula dagaallami karo ay tahay waxbarashada oo uu sheegay in horumarka ay furo u tahay, lagulana dagaallami karo faqriga.

“Dadkeena faqriga ayaa aad u baab’iyay, marka sida aan uga bixi karno waxaa ka mid ah in sare u qaadno tayada waxbarasho ee dalka waayo waxbarashadu waa furaha guusha, waxyaabaha kale ayaa ah isku dheeli tirka Jinsiga, miisaaniyadeennu maka tarjumeysaa baahida ay dumarku leeyihiin, maka tarjumayaa baahida ay qabaan dhallinyarada, waxaan rajeynaynaa inaan ka guul gaarno in wax walba oo aan qabaneyno in rag iyo dumarba ay siiso awoodda wax loogu qaban karayo” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kulan loogu tala galay in si guud loo fahmo Himilooyinka Hormarka waara ee socon doona illaa 2030-ka.

Goobjoog News