U bood dhigaalka

Xukuumadda Horay Ayey Garsoorka ula Wareegtay, Haddii Sharci-dejintii u Soo Dhigatay Waa Fowdo Dastuuri Ah, Abuukaate

Sheeko:Dalka

Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed, oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa xukuumadda Xasan Kheyre ku eedeeyay in ay waddo fowdo dastuuri ah.

Abuukaate Tahliil waxaa uu qabaa in Xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre ay horay ula wareegtay hey’addii garsoorka, haddana ay u soo dhigatay hey’adda sharci-dejinta taasina ay keenni karto dhibaato iyo fowdo dastuuri ah

“Xukuumadda garsoorka gacanteeda ayuu ku jiraa, oo cidda ay rabto ayey magacawdaa, haddii baarlamaankii u soo dhigteen waa dhibaato iyo fowdo dastuuri ah oo ay xukuumadda ka shaqeyneyso”

Mar uu ka hadlayey ciidamada la wareegay guriga umadda, waxaa uu sheegay in ay tahay fara-gelin fulinta ay ku sameysay sharci-dejinta.

“Ciidamada guriga umadda la geeyay sidoo kale, waxaa ay ka dhigan taay Faragelinta madaxbannida baarlamaanka”

Abuukaate Tahliil , waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Muudeey oo yiri Mooshinka Jawaari aniga ayaa qabtay “ Arrinta Kale, Muudeey inuu dhaho aniga mooshin aqbalay waxaa ay aheyd qalad, waayo golaha waxaa uu u shaqeeyaa koox, waxaa mooshin qaban kara guddoonka oo dhameystiran, marka laga reebo shakhsiga mooshinka laga keenay”

Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed, waxaa uu ugu dambeyntii, ku baaqay in la ixtiraamo dastuurka, lana kala saaro awoodaha dowladda “Dastuurkan  inkasta uu qabyo yahay hadana isaga haddii la ixtiraamo waa la kala bad-baadayaa, haddii kale waa ha la kala baxo, oo cid weliba waxa ay rabto ha sameyso.

Goobjoog News