U bood dhigaalka

Xukuumadda Koofurta Suudaan Oo Soo Jeedineysa Hindise Sharciyeed Mudada Madaxtinnimo Loogu Kordhinayo Salva Kiir

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Koofurta Suudaan ayaa soo jeedisay hindise Sharciyeed loogu kordhinayo madaxweyne Salva Kiir xilkiisa, waxaana loogu darayaa saddex sano oo kale.

Tallaabadan ayaa waxaa ka soo horjeestay xoogagga Mucaaradka waxayna ku tilmaameen in soo jeedintaan ay ku tumaneyso howlaha nabadgelyo ee socda.

Sharci dajiyaasha ayaa Reuters u sheegay maanta oo talaado ah in hindise sharciyeedka looga gol leeyahy in lagu shaandheeyo Dastuurka,halka ay suurto gal tahay in mudada madaxtinimo loo kordhiyo Salva Kiir lana gaarsiiyo ilaa 2021.

Goobjoog News