U bood dhigaalka

Xukuumadda Oo Dhallinyarada u Abuureysa Fursado Shaqo

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka shaqeyneyso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen fursado shaqo, bedalkii ay dalkooda ka tahriibi lahaayeen.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saareyso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay dalkooda uga shaqeysan lahaayeen, islamarkaana uga maarmi lahaayeen dalalka shisheeye.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in hay’adaha kala duwan ee taageera dowladda Federaalka ay kala hadli doonaan sidii ay dib ugu dhisi lahaayeen xarumaha waaweyn ee dalka sida warshadihii dalka uu lahaa, taasi oo soo dedejin karta shaqo ay helaan dhallinyarada.

“Hadafyada ugu muhiimsan ee aan ka shaqeyneyno waxay tahay in umadda Soomaaliyeed la isku soo dhoweeyo, muhiimaddu waxay tahay in dalka shaqo abuur laga sameeyo, dhallinyarada shaqo abuur loo sameeyo, shaqo la’aan ayaa jirta, dhallinyaradeennu waxay raacaan doonyo…waa in dalka aan dib u dhisnaa, adduunyado waa inaan ka codsannaa iney inoo dhisaan xarumaha waaweyn sida waddooyinka, Buundooyinka iyo Warshadihii dalku lahaa, haddii ay shaqeyso warshaddii Mareerey waxaa u shaqo tagaya dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa dalka waxaa ku haysa shaqo la’aan baahsan, qaarkoodna waxay naftooda ku haligaan badaha si ay u helaan nolol dhaanta midda ay maanta ku sugan yihiin.

Goobjoog News