U bood dhigaalka

Xukuumadda Oo Guddi u Saartay Wax u Qabashada Dadkii Ku Dhaawacmay Weerarkii Ambassador

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya , ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda, Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-jiir. waxaana looga hadlay xaaladda caafimaad ee dadkii ku wax yeeloobay weerarkii waxashnimo ee nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Ambassador, Xaaladda guud ee amniga dalka, iyadoo warbixino laga dhageystay Wasiiraddii gurmadka gaarsiiyey shacabkii ay saameeyeen fatahaadda uu sameeyey Wabiga Magaalada Beled-weyne.

Ugu horeyntii, golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wuxuuna sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay falkaasi argagixiso dad isugu jira Shacab iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka F. Soomaaliya iyo askar. Wasiirka ayaa intaasi raaciyey in xiligii uu falkaasi dhacayay goobtu ay ahayd mashquul isla markaana ay dadku u diyaar garoobayeen salaadda maqrib.

Golaha Wasiirada ayaa Cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee Hotel Ambassadir, waxayna Tacsi u direen ehellada Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee falkaasi uu saameeyey. Golaha ayaa boggaadiyey Ciidamada Ammaanka sida dhiiran ee ay uga jawaabeen dhacadaadaasi. Iyagoo Guddi ka kooban Wasaaradaha, Amniga, Caafimaadka, Arrimaha Dibedda, Awqaafta, Dhalinyarada u saarey wax u qabadashada dadka ugu daran ee xaaladdooda caafimaad an dalka gudihiisa wax looga qaban Karin si dibedda loogu qaado.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Mudane. Maxamed Mukhtaar Ibrahim ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda Fatahaadda Wabiga ee Beledweyne, wuxuna tilmaamay in deegaanka ay ka jirtay xaalad adag xiligii ay tagayeen, wallow hadda ay nolosha ay dib ugu soo noqonayso.

Golaha Wasiirada ayaa magacaabay gudi loo xilsaaray qaban qaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo maalmaha Xorriyadda, waxaa dowlada u qorshaysan inay u samayso dabaal dagyo aad u balaaran oo lagu muujinayo weynayta maalmaha Xorriyadda.

–DHAMAAD—