U bood dhigaalka

Xukuumadda Somaliland oo Bixisay Lacagihii Doorashada Madaxtinimo ee 2017

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa amar ku bixiyay in la bixiyo oo guddiga doorashooyinka lagu wareejiyo lacagihii ku baxayay doorashada madaxweyne-nimada, si aanuu u iman dib u dhac waqtigii loo qorsheeyey ee ahaa  bisha March ee sannadka 2017.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashada oo qabsoonta ay xukuumaddiisu gacanta ugu weyn ay ka geysaneyso, taas oo ah bixinta lacag dhan 4-milyan oo dolar oo lagu qabanayo doorashada, isagoo  bixinta lacagtaasi u wakiishay  wasiirka maaliyadda  oo iyaduna ku wareejisay  guddida doorashooyinka Somaliland.

Wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay  goobtii ay lacagtaasi guddida doorashooyinka ku guddoonsiinaysay ayaa sheegtay in sababta ay lacagtan u bixinayaan ay tahay in Somaliland laga qabto doorasho aan waqtigeedii dhaafin sidaasi darteedna ay xukuumaddu bixisay lacag dhan 4-milyan oo dollarka maraykanka ah .

Wasiir Samsam oo ka hadashay kaalintii ay ka qaadan jireen beesha caalamka iyo deeq bixiyayaashu doorashada ayaa waxay xustay iney deeqbixiyeyaasha sugayaan, hadana ay  lacagtan doorashadu ku qabsoomi karto madaama uu xisbi kastaaba dhiniciisa dhaqaalaha iskaga bixinaayo isna .

Doorashada madaxtinimada ee Somaliland oo Laba sanno  waqtigeedii horey dib looga dhigay ayaa madaxweyne Siilaanyo waxa uu ballanqaaday inaanay dib uga dhici doonin waqtigeeda hadda.

Hay’adaha ka caawiya Somaliland arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda ayaa ku gacan sayray  go’aan Laba bilood ka hor madaxweyne Siilaanyo uu ku kala reebay  Labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxeynaha hoosna u dhigtay kalsoonidii beesha caalamka.

Goobjoog News