U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya: 700 oo Al-shabaab ah ayaa isa soo dhiibay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay   in 700 oo ka tirsanaa ciidamada xarakada Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen dhinaca dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan waxaa ka dhawaajiyay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed oo dhinaca kale tilmaamay in guulo laga gaaray sida uu yiri dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka gacanta ay u gashay magaalo xeebeedka Baraawe oo uu sheegay in saldhig wayn ay u ahayd Al-Shabaab.

Xukuumadda Federaalka ayaa 3-dii bishii hore u jeedisay dagaalyahanada Al-shabaab in ay isu soo dhiibaan dowladda muddo 45 cisho gudahooda isla markaana ay ka faa’ideystaan cafiska loo fidiyay.

Hoos ka dhageyso codka ra’iisal wasaaraha: