U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo ballan qaad u sameysay xoogsatada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay caawineyso dadka xoogsatada ah ee ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa sheegay in ay jiraan shirkado dhismo oo ajaanib ah oo dalka si sharci darro ah ku jooga kuwaasi oo uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa ka dhawaajiyay in ay damaanad qaadayaan ammaanka dadka xoogsatada ah ee Soomaaliyeed kuwaas oo ku shaqeeya xaalado adag.

“ Waxaan ballan qaadaynaa in aan ilaalin doono xuquuqda xoogsatada Soomaaliyeed ee ka xamaasha gudaha dalka gaar ahaan Muqdisho, waxaan ka hor tagaynaa qataraha ka dhasha kaawooyinka ay qotaan xoogsatada oo ay ka raadsadaan nolol maalmeedkooda.” Ayuu yiri Maxamed Ismaaciil Shuuriye.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay keeni doonaan qalab looga hor tagi karo qataraha ka dhasha kaawo qodista.

Dhowr jeer ayay dhacday in shaqaale ka tirsan kuwa ka howl gala goobaha laga qodo kaawooyinka ay geeriyoodeen kadib markii ay ku duntay kaawada.