U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo ballan qaad u sameysay mataano dhashay iyagoo isku dhagan

Sheeko:War
Wasiirka haweenka & xaquuqul insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye
Wasiirka haweenka & xaquuqul insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye

Wasaarada Haweenka Iyo Hormarinta Xuquuqul Insanka Xukuumada Federaalka ayaa sheegtay in dalka dibadiisa  qalliin loogu soo samayn doono laba gabdhood oo dhashay iyaga oo isaga dhegan Caloosha Iyo Sinaha.

Hadalkan Maanta oo Arbaca ah waxa sheegtay Wasiirka Wasaradaasi Khadiijo Maxamed Diiriye oo booqotay Qoyska labadaasi Gabdhood oo isku dhegan.

Khadiijo, waxa ay sheegtay in dal ay ka mid yihiiin Iiraan Iyo Sacuudiga ay kala kaashan doonaan in ay fuliyaan qaliinka Gabdhahan.

20140727_115309
Labada gabdhood ee dhashay iyaga oo isku dhegan./ Sawir qaade,Munasar Maxamed Cabdi

Waalidiinta ubadkan ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay ku war geliyeen in gudaha dalka aan wax looga qaban Karin caruurtan isku dhegan. Waxa ay sidoo kale sheegeen in caruurtooda wax looga qaban karo dalalka Iiraan, boqortooyada Sucuudiga iyo Jarmalka sida ay u sheegeen dhaqaatiirta.

Caruurtan ayaa is kaga dhegan sinaha iyo caloosha, waxa ayna wadaagaan hal beer.

Labada caruur ee isku dhegan ayaa ku dhashay Isbitaalka Ibnu Siinaa ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay hadda ku suganyihiin.