U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay weeraro kaga yimaada Al-shabaab

Sheeko:Dalka
Khaliif Axmed Erag
Khaliif Axmed Erag

Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay weeraro ay xarumaha dowladda ku qaadaan xarakada Al-Shabaab Khaliif Axmed Ereg oo ka hadlay howl galka bad weynta Hindiya ee dowladdu ay kula dagaalameyso xarakada Al-Shabaab ayaa waxa uu sheegay in hay’adaha ammaanka ee dowladda in ay feejigan yihiin oo ay ka hor tagayaan weerarada kaga imaanaya Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ku baaqay in madaxda dowladda looga baahan yahay in ay sidaasi oo kale uga feejignaadaan weerarada xarakada Al-Shabab xilligan oo uu sheegay in ay ku soo beegi jireen qal qal gelinta amniga caasimadda.

Hadlaka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli dowladda Maraykanka ay xaqiijisay geerida hogaamiyihii xarakada Al-shabaab oo ay sheegeen in diyaaradahooda ay duqeymo ku dileen isniintii la soo dhaafay isaga oo marayay meel u dhow magaalada sida wayn ay ugu xooganyihiin Al-shabaab ee Baraawe.

Hoos ka dhageyso hadalka Khaliif Axmed Ereg: