U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Weerarkii SYL

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar qaraxyo iyo mid toos ah isugu jiray oo xalay lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada NISA ay fashiliyeen qaab qorsheedka lala damacsanaa weerarkaasi.

Waxa uu tilmaamay in qaraxa ugu horeeyay uu ahaa gaari weyn oo aad looga soo buuxiyay walxaha qarxa islamarkaana la doonayey in Hoteelka lala bartilmaameedsado, iyo sidoo kale Afar dabley ah oo uu sheegay in ay qorsheynayeen inay gudaha u galaan hotelka kuwaasi oo uu tilmaamay in iyaguna la toogtay.

“Ciidamada Nabad galyada gaar ahaan kuwa NISA ayaa meel koontarool ah ku joojiyay gaari weyn oo qarax weyn waday, markii ay ogaadeen in aysan halkaasi dhaafi kareyn waxay isku qarxiyeen ciidanki, gaarigaasi qaraxa uu waday wuxuu ahaa mid aad u weyn oo saameeyay guryihii halkaasi ka dhawaa shacabkana argagax geliyay, waxaa sidoo kale jira gaari kale oo ay saarnaayeen Afar qof oo kooxaha nabad diidka ah looguna tala galay in marka gaariga weyn uu jebiyo gidaarka hotelka sidaan filayno ee SYL in gudaha ay u galaan oo shacabka xasuuqaan laakiinse nasiib wanaag Labadiiba wey fashiliyeen Afartii doonysay inay hoteelka galaanna laamiga ayaa lagu dilay” ayuu yiri wasiir maareeye.

Weerarkii xalay ee SYL waxaa ku geeriyootay dad gaaraya 10 iyadoo dhaawacana uu ka badan yahay 20 qof oo shacab u badan.

Goobjoog News