U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya Oo Mar Kale Xaqiijisay In Dalka Aysan Ka Dhici Karin Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka aysan xilligaan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, maadaama qorshaha uu ahaa in sanadka 2016-ka dalka ay ka dhacdo doorasho.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo xalay ka qeybgalay barnaamij dood wadaag ah ayaa sheegay in 2016-ka aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, balse doorasho ay dhici doonto.

Waxa uu sheegay in dhawaan lasoo saari doono qorshe cad oo ku aadan sida ay ku dhici karto doorasho, iyo hanaanka wax loo dooran doono.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Cumar ayaa sheegay in hadda Soomaaliya Isbedal ballaaran oo dhanka amniga iyo horumarka ah laga dareemayo, dowladdana ay sii wadi doonto dadaallada nabadda iyo horumarka ah.

“Soomaaliya waxay ay soo martay marxalado kala duwan, hadana waxay u muuqataa mid kasii baxayso, wadamo badan oo caalamka ka mid ah, waxa ay hadda marayaan wadadii aan marnay 1995-tii, marka laga hadlayo Soomaaliya waxa ay soo ceshatay sharftii ay ku lahayd wadamada caalamka” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa  ka hadlay arrimo ku aadan Federaalka iyo sidoo kale maamullada dhismay, isaga oo dhinaca kale sheegay in baarlamaanka loo gudbiyay qorshaha maamulka loogu sameynayo gobalka Banaadir, maadaama Hal gobal uu yahay.

“Waxaa hadda noo dhismay maamul gobaleedyo badan, laakiin maamulka loo dhisayay banaadir State waxa uu horyaallaa baarlamaanka, waxaana taas ay ku xiran tahay in baarlamaanka ay war ka keenaan, waxaan ka mid ahay dadka ku dhashay Muqdisho, hadana waan aragnaa dhibaatooyinka aad ka sheegeysaan oo ah in meelaha qaar dadka lagu dhibaateeyo, waxaan jecelnahay inaan dib usoo celinno faras magaalihii magaaladaan iyo bilicdii Muqdisho ay lahayd”

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in dalka aysan ka dhici karin sandka 2016-ka doorasho qof iyo cod ah, balse ay jiri doonaan qaabab kale oo doorasho lagu qaban doono.

Goobjoog News