U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo qodobo ka soo saartay qaadista canshuurta dowladda

Sheeko:War

Kulan deg deg ah oo ay xalay isugu yimaadeen guddi uu hoggaaminayay ku simaha ra’iisul wasaaraha, ahna wasiirka awqaafta iyo diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed isla markaana ay qeyb ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir  iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana kulankaasi looga  hadlayey sidii xal loogu  heli lahaa cabashooyinka ay dowladdu u soo gudbiyeen ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dad waynaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, waxa uu yiri Wasiirka “kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey sidii iskaashi  iyo wada shaqeyn loogu qaadi lahaa Canshuurta dowladda, iyadoo guddiga ay si hoose   uga hadleen cabashooyinka tooska ah ee ay ganacsatadu ka qabaan qaadista Canshuuraha dowladda”.

Kulanka deg degga ahaa ee guddigaasi kadib ayaa laga soo saaray qodobo ay isla garteen Xukuumaddu iyo ganacsatada Soomaaliyeed,  waxaana ka mid ahaa qodobada la isla gartay:

-In Ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan Canshuurta dowladda  si ku saleysan sharciga dalka.

-In wixii Canshuur ah ay qaadi karaan oo kaliyah hey’adaha ugu xilsaaran dowladda qaadista Canshuurta, dhanka kale ciddii qaadda Canshuur aysan ka warqabin hey’daha dowladda in laga qaado tallaabo sharci ah.

-Xukuumaddu waxa ay fareysaa dhammaan hey’adaha ammaanka in ay sugaan nabad-galyada ganacstada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed”.

-In cabashooyinka ka yimaada Ganacsatada Soomaaliyeed ee la xiriira Dakedda, Koontaroolada iyo Canshuurta loo xaliyo si ku dhisan is afgarad iyo wada shaqeyn, dhanka Xukuumadda iyo Ganacsatada ah.

Qodobbadan ka soo  baxay guddiga shirkan gaar ah isugu yimid caawa ayaa waxa uu ka dambeeyey kaddib markii uu maanta hakad galay isu socodka ganacsiga ee suuqa weyn ee Bakaaraha kaddibna ay Xukuumadda  cabasho u gudbiyeen ganacsto wakiil ka ahaa dhammaan suuqa ganacsigiisa, sidoo kale arrintan ayaa muujineysa sida i fahamka leh ee ay u wada shaqeynayaan  dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed.