U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya Oo Shaacisay Waqtiga Dib Loo Furayo Duullimaadyada Gudaha Dalka

Sheeko:Amniga

Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya  ayaa shaacisay waqtiga dib loo furaayo duullimaadyada dalka, kadib muddo hakad uu kuu jiray, sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Golaha wasiirada oo maanta kulankkoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay dib loo fasaxo duullimaadyada gudaha dalka 5- July 2020-ka.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale xusay in maalintii la ogal yahay in hal diyaarad ay u duusho dowlad goboleedyada, halka markii hore maalintii dhowr diyaarado ay tagi jireen.

Shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay heshiiska gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha ganacsiga.

Duullimaadyada dalka iyo kuwa caalamiga ayaa hakad galay kadib markii dunida  uu ka dilaacay xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaas oo kiisaskii ugu horeeyey dalka lagu arkay 16- bishii March 2020-ka.

Goobjoog News