U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo sharaxday qaabka loo dhameystirayo maamulka saddexda gobol

Sheeko:War
wasiir xigeenka arr gudaha iyo ugaaska
Bidix, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi raxmaan Maxamed Bankax oo la fadhiya Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble iyo masuul kale

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faafaahin ka bixisay qaabka loo dhamestirayo maamulka saddaxda gobol ee koofur galbeed Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamed Bankax oo waraysi gaar ah siinayay Goobjoog FM isaga oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayuu ka hadlay Hanaanka lagu dhameystirayo maamulka loo dhisayo goballada Baay,Bakool iyo Shabeellaha hoose.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay rayi uruurin ay sameeyeen in ay ku ogaadeen in ay badanyihiin shacabka doonaya Maamulka saddexda gobol ee Koofur galbeed Soomaaliya, sidaa darteedna dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii loo dhameystiri lahaa Dhismaha Maamulkaasi.

Cabdi raxmaan Maxamed Bankax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Beledweyne u tagay sidii xabad joojin loo kala dhex dhigi lahaa maleeshiyaad dhowr jeer ku dagaalamay deegaanada Deefow iyo Kabxanleey ee dhaca duleedka Beledweyne.

Aqoonyahanno dhowr ah ayaa kol hore sheegay in nidaamka federaalka ee dowladda Soomaaliya ay hirgelinayso loo wajahay si qaldan, taasoo keentay in dadku ay u fahmaan si ka duwan sidii loogu tala galay oo hor seeday is qabqabsi dhuleed.