U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay soo wado sharci ka dhan ah kufsiga

Sheeko:Dalka
Khadiijo Maxamed Diiriye
Khadiijo Maxamed Diiriye./Sawir qaade: Munasar Maxamed Cabdi

Wasiirka wasaaadda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in heer gaba gabo ah uu marayo sharci la doonayo in lagula dagaalamo ku xad gudugka haweenka oo lagu yareeyo tacadiga ka dhanka ah dumarka ee uu ugu horeeyo Kufsiga.

Warkan ayay sheegtay markii dalka dibadiisa ay uga soo qayb gashay wasiiraddu shir looga hadlayay ka hor tagista dhibaatoyinka dumarka ka dhanka ah, waxa ayna wasiiraddu sheegtay in shirkaas la isku gartay in lala dagaalamo kufsiga lagula kaco dumarka.

Waxa ay ka hadashay eedayntii hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ee ay ku sheegtay warbixinta hay’addu ay soo saartay in ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Afrika AMISOM ay ku lug leeyihiin kufsiga ka dhaca Soomaaliya .

Arintaa ayay xustay wasiiraddu in dhinac kasta uu qaban doono sharciga cusub ee dhawaan dalka laga hir gelin doono iyada oo sheegtay in ka wasaarad ahaan ay mudnaan wayn siinayaan la dagaalanka kufsiga dumarka.