U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in shirka Kismaayo uu weli u furanyahay dhinacyada mucaaradsan

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka Kismaayo uu weli u furan yahay dhinacyada kale ee dhaliilsan qaabka uu shirku ku bilowday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo u waramayay Goobjoog FM ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal u gashay sidii loo soo af jari lahaa khilaafaadkii siyaasadeed ee hareeyay shacabka wada dega gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxa uu intaasi raaciyay  wasiir ku xigeenka in dowladdu ay mar kale shirka ugu yeereyso dhinacyada wax dhaliilsan ee ay quseeyaan arimaha Jubbooyinka iyo Gedo isaga oo ku baaqay in laga faa’ideysto fursadan oo ay wada heshiiyaan qabaa’ilka ay dagaaladu ku dhex mareen magaalada Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in laga wada heshiiyo wixii dalka horay uga dhacay isagoo shaaciyay in xukuumaddu ay diyaar u tahay in ay xal u raadiso colaadihii dalka ka dhacay si aysan mar kale xiisaduhu dib uga bilaabaan gobolada dalka.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Ismaaciil Shuuriye: