U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay sugayaan ammaanka deegaanada ay la wareegeen (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
RW Cabdiweli Sheekh
RW Cabdiweli Sheekh

 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la sugayo ammaanka deegaanada ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka saareen xarakada Al-Shabaab.

Hadalkan waxaa boqollaal dad wayne ka hor jeediyay ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed oo kulan kula qaatay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska Jaaliyada Soomaalida ee halkaasi ku nool.

Ra’iisul wasaraha waxa uu sheegay in in xukuumadda ay ka gun gaartay  inta badan hawl galka loogu magac daray Bad waynta Hindiya.

Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in marka la gaaro sanadka 2015-ka gudaha dalka laga weyn doono dhul ay maamulaan xarakada Al-shabaab.

Hadalkan ayuu ra’iisal wasaaruhu ku qoray bartiisa Twitter-ka isaga oo ku sugan magaalada London.

“Xasilloonada iyo horumarka dib ayay ugu soo laabanayaan dalka, mana jiri doonto 2015-ka dhul ay kontoroolaan kooxda Al-shabaab” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Hoos ka dhageyso codka Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed: