U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ugu Baaqday Dowladda Itoobiya Iney Dhowrto Shuruucda Caalamiga ah ee Kheyraadka Biyaha

Sheeko:Dalka

 Wasiirka Beeraha Soomaaliya Axmed Xasan Gaboobe oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqay iney dhowraan shuruucda caalamiga ah ee dhanka biyaha.

Wasiirka beeraha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya  ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya ay u soo jeedinayaan iney dhawrto sharciyada caalamiga ah ee qeybsiga biyaha, isagoo tilmaamay in wabiyada meelaha ay ka yimaaddaan iyo meesha ay u socdaan  isku xaq ay ku leeyihiin “Dowladda Itoobiya waxaan u soo jeedin lahaa annagoo aan baryeenin balse ay tahay wax qaanuuni ah wabiyaasha meesha ay ka yimaadaan iyo halka ay u socdaan waxay ku leeyihiin xaq dheelli tiran “.

Wasiirka ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya iney ilaaliso xaquuqda caalamiga ah ee u yaalla caalamka ayna tix geliso bani’aadanimada .

Inta badan waxaa guray wabiyada marayay dalka kuwaas oo udub dhexaad u ahaa nolosha dad badan oo Soomaali ah, waxayna taasi keentay iney qalalaan beerihii iyo dalaggii kasoo bixi jiray,  iyadoo taa loo aaneynayo dowladda Itoobiya oo biyo xireenno waaweyn ka sameysatay halka uu ka soo burqdo wabiga Shabeelle.

Goobjoog News