U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya Oo Wadda  Qorshe Lagu Horumarinayo Garsoorka Iyo Caddaalada Dalka

Sheeko:Dalka

Helitaanka cadaalad iyo garsoor baahsan oo loo siman yahay islamarkaana dhowra xaquuqda muwaadinka goob kasta iyo goor kasta oo la joogo waa baahida ugu weyn ee maanta ka jirta Soomaaliya.

Dal aan lahayn hanaan hufan oo cadaaladeed ma gaari karo xasilooni, horumar iyo nabad waarta, cadaalad darrido waa sababta keentay burburka iyo is aamin la’aanta aafaysay midnimada iyo amniga umadda Soomaaliyeed .

Umad ma gaari karto horumar haddii aysan lahayn nidaam caddaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka isla markaasna ilaaliya naftiisa,hantidiisa iyo xoriyaddiisa, hayeeshee waxaa isweydiin mudan sidee arrintaasi lagu heli karaa waxaana jawaabaya Cali Xalane oo isago ah qareen .

“Dadka hadda gacanta ku hayo garsoorka waa in aqoontooda la xoojiyo korna loo qaado,sababta aan sidaas u leeyahay waxaa waaye qalabkii la rabay in la isticmaalo waxay ku qoranyihiin buugaagta qodob ahaan ama waxay ku qoranyihiin kutubka ee xagga shareecada,aniga waxaan isleeyahay boqolkiiba 80% waxaa jirta aqoon yari gafka iyo qaladka waxaa keenaya aqoon yarida”.

Xukuumadda Cusub oo uu hor kacayo ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxay qabtaa in muhiimadda la siiyo hirgalinta nidaam cadaaladeed oo waafaqsan diinta Islaamka sida uu qeexayo Dastuurka kuna dhaqan galo dalka oo idil si loo joojiyo gabood falyada iyo sidoo kale caddaalad darrida haraysay  umadda Soomaaliyeed.

Shacabka waxa uu xaq u leeyahay  adeeg caddaaladeed oo hufan isla markaasna ay ku kalsoonaan karaan, hadaba sidee xukuumadda ay ugu suurto gali kartaa inay hiigsigaas fuliso.

Waakan Axmed Sh.Cali Buraale oo bartay sharciga “Caddaalad waa Caddaalad horumarinta caddaalada waa iyada oo la waafaqo,horumarin kale iyo jiid jiid kale malahan, caddaaladda horumarinteeda iyo sugiddeeda waa isku mid,waa lasugaa caddaaladda”.

Ku takri falka xilalka dowladda iyo awoodaha dowladda waxay u dhigantaa khiyaano qaran,hayeeshee waa mid baahsan xilligaan dadkuna ay aad u danaynayaan in laga gudbo isla markaana la helo garsoor iyo sidoo kale caddaalad hufan waakan Cali Xalane oo mar kale ka hadlayo.

“Aduunka hadda horumaray waxay leeyihiin maxkamado,maxkamadaha ay leeyihiin waxaa ka soo baxo xukunno iyo go’aamo dhinaca uu usoo baxo maahanee dhinaca kale wuxuu tabayaa inay jirto khalad”.

Waxaa lagama maarmaan ah xaqiijinta himillada xukuumadda ee  ku aadan xoojinta nidaam garsoor oo madax banaan wax ku ool ah lalana xisaabtami karo isla markaana ka turjumayo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumaddaan cusub waxay u aragtaa yoolka uu hiigsanayo garsoorka ay noqoto in muwaadanika Soomaaliyeed uu helo nabad iyo ammaan kuna noolaado kalsooni iyo cabsi la’aan hadaba si yoolkaas loo gaaro maxaa xukuumadda la gudboon.

Waxaa arrintaas ka hadlayo mar labaad Axmed Sh.Cali Buraale oo ah sharci yaqaan “Waa dumay garsoorkii iyo dalkii oo dhan ayaa dumay maamul ayuu ka dumay, dalku meel kasta ayuu ka burburay,waxa uu u baahanyahay in la soo dhiso oo la nooleeyo, waxaana lagu soo celin karaa garsoorka in la helo garsoore munaasab u ah aqoontii dadnimadii garsoornimo iyo hufnaantii oo xalaal miirad ah ayaa loo baahanyahay”.

Dad badan ayey la tahay wax ka qabadka caddaalad darrida inay ugu horreyso wax ka qabadka xadgudubyada xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed isla markaasna ka timaada hawlwadeennada dowladda gaar ahaan hay’adaha ammniga iyo caddaaladda si loo hubiyo bad qabka shacabka.

Xukuumaddaan cusub oo uu hor kacayo ra’iisulwasaare Xasan Cali kheyre waa in si go’aan ku dheehanyahay ay u soo afjarto dulmiga iyo xadgudubyada ay geesanayaan hawlwadeennada dowladda,iyadoo aan loo aabe yeeleyn xil kasta iyo heer kasta  ay ka gaareen dowladda marka uu ku cadaado fal dambiyeed sharciga hortiisa ah, markaas ayaa loo arkaa inay caddaaladda ay horumartay.

W/D: Aweys Xaaji Nuur

Goobjoog News