U bood dhigaalka

Xukuumadda: “Guddiga Abaaraha Ayaa La Hirgelinayaa ”

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo hirgalinayo guddiga abaaraha dalka si gurmad ah u helaan kumanaan qoysas Soomaali ah oo ku dayacan gobollo ka tirsan dalka kuwaasoo ay waxyeeleysay abaaraha daran ee xilligani ka jira dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dib u howlgelinta guddiga abaaraha ay fursad u tahay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wuxuu sheegay in abaaraha xooggan ee ka jira Koonfur iyo waqooyiba ay saameyn adag ku yeesheen nolosha qoysas aad u fara badan iyo xoolahooda.

“Xukuumaddu waxay hirgalinaysaa guddiga abaaraha si ay gurmad u helaan qoysaska ay abaaruhu ku halakeeyeen gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya, dadka iyo duunyadaba si isku mid ah ayay abaaruhu u saameeyeen sida la soo sheegayo oo waad ka warqabtaan waxaan filayaa in xukuumaddu ay ka qaadan doonto doorkii ay ku lahayd” ayuu yiri Raysal wasaare xigeenka xukuumadda Mudane Carte.

Dhanka kale, Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka ah ay kala hadleen sidii ay gurmad u gaarsiin lahaayeen qoysaska ay abaaraha ku heystaan dalkayaga Soomaaliya.

Gobollada ugu daran oo laga soo sheegayo dhimashada dadka iyo duunyada waxaa kamid ah kuwa waqooyi sida Sool, Sanaag, Awdal iyo waqooyi galbeed.

Abaarahani xooggan ayaa sababay dhimashada xoolo u badan ari iyo geel oo dadka reer miyiga ah ay dhaqan jireen iyadoo sidoo kale gobollada qaar lagu arkay xanunno ka dillaacay abaaraha.

Goobjoog News