U bood dhigaalka

Xulka Da’yarta Soomaaliya Oo Guul Dar Kala Kulmay Dhigiisa Burundi

Sheeko:Cayaaraha

Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Burundi ayaa ciyaar xiiso badan ku qaatay garoonka Cisero Stadium ee magaalada smara ee wadanka Eretrie,iyagoo wada dheelay kulamadoodii 2-aad ee ciyaaraha 15jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee (Ceacfa Under 15).

Kulankan labada dal dhexmaray ayaa qeybta 1-aad lagu kala maray barbaro 1-1,balse xidigaha xulkeena Soomaaliya ee da’yarta 15 Jirada ay soo bandhigeen ciyaar ku dheehan weerar iyo farsamo.

Markii leysku soo laabtay dheesha labada xul ayaa sameeyay fursado badan oo goolal,balse dhallinyarada 15 Jirada Burundi ayaa helay fursad gool ah waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku qaateen xulka da’yarta Burundi.

“Nasiibka ayaa naga heeliyay waxaan soo bandhignay ciyaar aad u wanaagsan,balse qadarta Alle ayaa aheyd in aan guul daraysano raali hanaga noqdaan taageerayaasheen dalkeena kulamada xiga ayaan ku da’daalaynaa in aan badino” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Anas Axmed Maxamuud oo ah kabtanka xulka 15 Jirada Soomaaliya.

Ciyaaraha U Haray Xulkeena 15 Jirada
Somalia vs sudan (Khamiis) –22-08-2019
Somali vs Eritrea (Sabti) –24-08-2019

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle