U bood dhigaalka

Xulka Qaranka 15 Jirada Iyo Iskuulka Daaru-Tarbiya Oo Wada Ciyaaray Kulan Saaxibtinimo 

Sheeko:Cayaaraha

Xulka da’yarta 15-jirada ayaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo la ciyaaray iskuuulka Daaru-Tarbiya oo kaalinta 2aad ee kala horeynta kaga jira tartanka iskuuulada ee Youth League 2019 wuuxuna kulanka ka dhacay garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan.

Madaxda xiriirka kubbadda cagta ayaa dhiiri gelin uu mujiyay,iyagoo soo xaadiray ciyaartan waxaan masuuliyeentii garoonka ku sugnaa ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab,guddoomiye ku xigeenla 2aad ee xiriirka Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed,gudoomiyaha dhallinyarada xiriirka kubbadda cagta Cabdullahi Xirse Maxamuud iyo madaxa suuq geynta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi cusman Daamey.


Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aad u saraysa waxaana qeybta 1aad hogaanka labo gool ku qabtay xidigaha iskuul Daaru-Tarbiya waxaana goolasha y dhaliyay laaciibkooda Idiris Maxamed Bilaal.

Madaxda suuuq geynta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Cusmaan Daameey ayaa sheegay in mar walbo ay diyaar u yihiin in ay dhiiri gelinyaan dhallinyarada da’yarta ee matalaysa xulka.

Markii leysku soo laabtay kulanka xulka da’yarta ayaa ciyaarta ka dhigay 2-2,iyadoo waqtigii loogu tala galay ay kusoo idlaatay barbaro macallin Saciid Cali Muxidiin oo ka mid ah tababarayaasha xulka da’yarta ayaa kulanka ka dib inoo waramay,isagoo sheegay in ay wadaan diyaar garow wanaagsan iyo in ay kulamo saaxiibtinimo la qaataan kooxaha iskuulada,si loo ogaado isku xirnaanta iyo wada shaqeenta ciyaartooyda da’yarta.

Dhalliyaha goolasha iskuul Daaru-Tarbiya Laacib Idiris Maxamed iyo macallin Axmed Cusmaan Axmed oo Goobjoog la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanayihiin bandhig ay soo bandhigeen tani ay ku dhiir gelinayso in ay hor u socod ka sameeyaan tartanka Youth league maadaama ay ku jiraan kaalinta 2-aad.

Guddoomiyaha xiriirka Soomlaaiyeed ee kubaddda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa xulka 15-jirada kula dardaarmay in ay da’daal badan ku bixiyaan aqlaaqdooda taasina ay tahay waxa ugu weyn ee lagu rabo in ay xoog saaraan dhallinyarada maadam ay fursada y helayaan in ay difaacaan wadankooda hooyo.

Si kastaba xulka 15 jirada ayaa bisha August ka qeyb galaya tartanka 15-jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee ka dhacay wadamka Eratria,iyadoo sanadii 2018,17 jirara dalkeena ay gaareen fiinalaha koobka bariga iyo bartamaha afrika ee ka qabsoomay dalk Burundi.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Saaxiibtinimo Ee Da’yarta Iyo Iskuul Daaru-Tarbiya

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/356498768360783/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle