U bood dhigaalka

Xulka Qaranka Soomaaliya Ayaa Si Wanaagsan Iskugu Diyaariyay Ciyaaraha Olomikada Adduunka

Sheeko:Cayaaraha

Waxa ay si wanaagsan iskugu diyaariyeen ka qeybgaka is reebreebka ciyaaraha Olimkada qaarada Afrika ee 23-jirada ah, waxaana laga kala soo xulay dhamaan kooxaha kubbadda cagta heerarkooda kala gedisan ee gudaha

Waxa ay qaateyn tababaro kala duwan oo saddex waqti ah kuwaas oo isku jira tababaradii ugu danbeeyay ee xiligan waxayna aragtidooda kawada siman tahay in ay guul ka gaaraan ka qeyb galka ciyaaraha 23-jirada

Waxaa ku jira 6 ciyaaryahan kuwaas oo dalkeena markii ugu horeesay gaarsiiyay fiinalaha tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka dhacay dalka Burundi bartamahii sanadan 2018 waxayna tusaale iyo haldoor u yihiin xidigaha iyaga ku wehliya safarkooda

Waxaa laylinaya Maxamed Cabulle Farayare oo ka mid ahaa xirfadlayaashii kasoo aflaxay ciyaarihii Goboladda dhowr jeern soo maamulay xulka dalkeena waxaa la shaqeenaya tababare Salaad Faarax Xasan oo ahaa macalinkii wadankeena tusay aduunka ee kaalinta 2-aad ka galay tartankii da’yarta Afrika talooyinkooda oo la isku diray iyo fikirado kala duwan oo ka imaanayay tababaryaasha gudaha iyo ajaanibta maamula kooxaha kubbadda cagta gudaha ayaa keeni karta guul kale oo tariikh sida ay qabaan hogaamiyaasha xulka qaranka

Feysal Axmed Xasan oo ka mid ahaa kooxda qurbajoogta oo bishii lasoo dhaafay October ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ka sameeyay caasimada Muqdisho ayaa ka mid ah xidigaha xirfada wanagsan ee xulka,macalimiinta ciyaartooyda iyo taageerayaasha ayaa si wanaagsan ugu helay tayada laacibkan,iyagoo si wadajir u sheegay in laacibkan uu la qabsaday cimilada iyo tababarka xulka qaranka

Taageerayaasha xulka  ayaa qab yidideelo wanaagsan oo xaga guulaha maadama ay da’yarteena  muujiyeen ifaaflo wanaagsan waxaana tabarayaasha iyo ciyaaryahanada ay shacabka ka dalbadeyn guul iyo guul daro la’aanba in ay muujiyaan doorkooda taageernimo

Si kastaba 23-jirada Soomaaliya ayaa iminka ku sugan dalka Ethopia,iyagoo garoonka Aadan Cadde ka dhoofay 10-November 2018 waxayna kulankooda 1-aad ee ciyaaraha Olimikada la ciyaaridoonaan dhigooda Ethopia waxaana laga sugayaa natiijo wanaagsan

Halkaan Ka Daawo Qaabka Ay U Diyaar Garoobeyn Ka Hor Inta Aysan Bixin

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/573209026447871/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle