U bood dhigaalka

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Bilaaway Isticmaalka Aalada GPS

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaartooyda xulka qaranka dalka ayaa bilaaway isticaamlka aalada lagu ogaanayo fayqabka heerka tababarka ee loo yaqaano (On Device Monitring Physical Fitness Preformence) waxaana aalada horay u isticmaalay garsoorayaaasha kubbadda Cagta bishii April 2019.

Macallin Maxamed Cabdulle Farayare oo ka mid ah tababarayaasha farsamada xiriirka kubbadda cagta ayaa sheegaya in qalabanka uu wax badan ka badali karo badqabka iyo horomarka ciyaarahanada xulka.

Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa iyagana soo dhaweeyay qalabkan casriga ah iyagoo madaxada xiriirka kubbadda cagta kaga mahad celiyay da’daalka iyo horomarka ay la garab taaganyihiin.

Sadde bilood ka hor ayay aheyd markii waxaada garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubaddda cagta ay bilaaweeen isticmaalka Gps,hadaba maxaa iska baday heerka garsoorka Soomaaliya maxayse ku kala duwanyihiin ciyaaryahanada iyo garsooryaasha marka ay isticmaalayaan qalabkan waxaa sharxaada ka bixina madxada tababarka garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta tababare Cabdi Cabdulle Baasaale.


Kubbadda cagta iminka waxa ay noqotay xisaab ku dhisan maskax talaabdan waxa ay kor u qaadaysaa yoolkeena horomarinta kobaca iyo yadadeelada dhallinyarada matalaysa  Ocean Starts waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Macllin Bashor Hayford.

Inkastoo qalabkan casriga uu xiriirka kubadda cagta ka her geliyay caasimada Muqdisho madaxa tababarka garsoorayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdi Cabdulle Baasaale waxa uu Goobjoog u sheegay in aaladan ay gaarsiindoonaan xiriirka kubbadda cagta maamul goboleedyada.

 

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalabkan Casriga Ah Ee Lagu Ogaanayo Heerka Tababarka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2378729305718887/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle