U bood dhigaalka

Xulka Qaranka Soomaaliya oo Guuldarro Ku Furtay Tartanka Qaaradda Afrika

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirada ah ee Soomalaiya ayaa kulanka furitaanka Koobka qaramada Qaaradda Afrika la ciyaaray dhiggooda  xulka qaranka Algeria oo sanadkaan martigalinaya.

Kulanka ayaa waxaa 10:00 pm ee habeenimo laga baastay Garoonka Nelson Mandela Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Aljaris, halkaas oo labada xul ay kusoo bandhigeen ciyaar wanaag.

Xulka qaranka ayaa ku guuldareystay inuu guul  ku furto kulankiisa furitaanka, waxaana looga adkaaday 2 0 oo ay guushu ku raacday xulka martigelinaya ee Algeriga.

Ciyaartoyda  ayaa ciyaariay la’aan Cabdixafiid Maxamed oo ku haray baaritaanka tijaabada MRI Scan, waxaana xulka kusoo guuleysteen Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa asbuuca gudihiisa la ciyaaridoona xulka qaranka Congo, waxaana u xigi doona Sinigal oo ay kuwada jiraan Group A.

Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa ku jira Groupka ugu adag ee dhimashada marka aad aragto xulalka ku jira sida: Martigeliyeyaasha Aljeria, Sinigal iyo Congo, oo kuwa ugu adag.

Goobjoog News