U bood dhigaalka

Xuseen Aba Nuur Abti Oo Goobjoog Ugu Waramay Tariikhdiisa Isboortiga Iyo Halka Uu Kasoo Bilaaway

Sheeko:Cayaaraha

Xuseen Aba Nuur Abti waxa ka mid ahaa ciyaartooydii ugu wanaagsaneyd kubbadda cagta iyo Kolayga waagii barisamaadka,isagoo kasoo baxay degmada Shangaani Gobolka Banaadir inakstoo uu iminka uu ku nool yahay dalka ingiriiska.

27-sano ka dib ayuu caasimada Muqdisho kusoo laabtay bishii October,isagoo ka mid wafdiga dalka u imaaday ciyaaro saaxiibttinimo iyo is dhaxgal bulsho waxayna caasimada ku sugnaayeen inti u dhaxaysay 17-30-October waxa ay ciyaareyn kulamo saaxiibtinimo,iyagoo booqday goobaha taariikh tusaale ahaaa garoonka Stadium Muqdisho iyo tiyaatarka qaranka waxayna ka qeyb qaateyn olalaha isxilqaan oo ay dowlada ku dhawaaqday.

Xuseen Aba Nuur“Ma aanan filan 27-sano ka dib in aan kusoo laabanayo dalkayga waxaa ii muuqda horomaro kala duwan oo ka socda gudaha qurbajoogta waxaa looga baahan yahay in ay ciyaaraan doorkooda dib u dhiska iyo in ay kusoo laabtaan wadankooda si ay u arkan sawirka dhabta ee ka jira aysan aaminin waxyaalaha ayu ka arkaan baraha bulshada oo ah propaganda”.

“Dhamaan ciyaartooydii kala duwaneyd ee kusoo ciyaartay garoonka Stadium Muqdisho waxaan lee yahay ka qeyb qaata dhismahiisa runtii aad ayaan ugu naxay sida uu yahay,balse waxaa ii muuqanaysa rajo wanaagsan hadii aan si wadajir ugu qeyb qaadano waxaana kusoo celin karaa siduu ahaan jiray”Xuseen Aba Nuur Abti ayaa Goobjoog u sheegay mar uu booqday 23-0ctober 2018.

Laacib Xuseen Aba Nuur wuxuu saaxiibadiisa iyo dadkii ay isla ciyaareyn waqti wanaagsan kula qaatay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,isagoo sheegay in uu jecel la’aan lahaa sii joogada wadankiisa qorshihiisana  aysan wax iska badali karin,balse sanad kasta uu booqasha u imaanayo gudaha mustaqbalkana isaga iyo caruurtiisa ay kusoo laabandoonaan Soomaaliya.

“Ciyaartooydii ugu fiicnaa aan isla soo dheelnay waxaa ka mid ahaa Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo hada ah Wasiirka Amniga dowlada,Xasan Shangaani iyo xirfadlayaal kale oo aad u tiro badan waxa ay ii ahaayeen saaxiib isku dhaw hadafkooduna ahaa is jaceyl iyo walaaltinimo”Xuseen ayaa Goobjoog u sheegay bishii October 2018.

Tan iyo 2012 waxaa dalka kusoo laabanayay ciyaartooydii hore wadanka,iyagoo kaalin ka qaatay in dhalinyarada gudaha ay u dhisaan garoomada casriga ee lagu dheelo ciyaaraha sidoo kalane talooyin la wadaagay xiriirada iyo wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada si loo horomariyo isboortiga gudaha.

 Halkaan Ka Daawo Tariikhda Laaciib Xuseen Aba Nuur Abti

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/330516987534477/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle