U bood dhigaalka

Xuseen Carab Ciise “Xerada Turkiga Ee Muqdisho Waxaan Kusoo Aragnay Shaqo Wanaagsan”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa Goobjoog u faah faahiyey kormeer ay ku tageen xerada ciidan ee Turkiga ka furay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Ciise iney soo arkeen dhallinyaro aqoonyahanno ah, dhaqan wanaagsan ka muuqda, Soomaali oo dhan ka kooban oo lagu tababaro halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qeybaha ay xeradaasi ka kormeereen ay kamid tahay dhanka tababarka ciidamada Cirka, balse fasalladii tababarkaasi loogu talogalay aanay cidna joogin, isaga oo sheegay in saraakiishii halkaasi ku sugneyd u sheegeen in kaliya ay dowladda Federaalka ka sugayaa raggii dhanka cirka loo tababari lahaa.

“Muhiimad ugu weyn waxay ahayd inaan aragno inaan dalka gudahiisa ku leenahay xaro aan ku tababarano ciidamada, waxaan soo aragnay tababaradii socday, laakiin dhinac ciidamada cirka fasaladoodii cid fadhida malahan, waxayna inoo sheegeen in dhankeena oo kaliya la sugayo inaan soo dhammeystirno dadkii loo xuli lahaa arrintaasi” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

Xerada ciidan ee Turkiga ka furay magaalada Muqdisho ayaa ah xero aad u weyn, waxaana lagu tababari doonaa ciidamo badan oo Soomaaliyeed.

Goobjoog News