U bood dhigaalka

Xuseen Macalin: Go’aanka Trump Waa Mid Wiiqaya Rajadii Dowlad Dhiska Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Xuseen Macalin Maxamuud oo ah madaxa machadka arrimaha amniga ee Hiraal ayaa sheegay in go’aanka uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ciidamadiisa uga soo saarayo Soomaaliya ay tahay wiiqidda rajadii dowladnimada.

Xuseen Macalin oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa yiri “ Shabaab cidda keliya ee si dhab ah ula diririday, oo diyaarado iyo ciidamada gaarka ah kula dagaashay 4-tii sano ee lasoo dhaafay waa Mareykanka, bixitaanka ciidamadaas iyo iney saameyntaas la tagaan, waxaa iman doona cadaadis ka xoogan sidoo hore oo Al-shabaab soo saaraan dadka iyo dalka, waxaan wiiqmi kara rajadii dowlad dhiska Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxa machadka arrimaha amniga ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud ayaa intaasi raaciyey in ay adagtahay in si dhaqsiyo ah loo helo ciddii badali laheyd ama buuxin lahey kaalinta ay banneeyaan “Waa adagtahay si badal degdeg ah loo helo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Donald Trump ayaa sheegay in ciidamadiisa uu kala soo baxayo Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah istiraatiijiyadiisa uu ciidamada kus celiyo.

Ciidamada oo baxaya bisha soo socota ayaa la sheegayaa in sidoo kale laga saarayo dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan.

Mareykanka waxaa ay ciidamado gaaray 700 ka joogaan xerada Balli-doogle ee Shabeellada hoose, inkasta oo aan la ogeyn shaqada rasmiga ah ee ay qabtaan Pentagon waxaa uu sheegayaa inay dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan ladagaalanka argigixisada.

Goobjoog News