U bood dhigaalka

Xuseen Macalin oo Ka Hadlay Sababta Ergadii Doorashada 2016-kii Loo Laayey, Qaarna Shabaab Isku Dhiibeen

Sheeko:Amniga

Xuseen Macalim Maxamuud oo ah madaxa machadka Hiraal ee daraasaadka amniga oo todobaadkan qeyb ka ahaa martida barnaamijka MADASHA ee Goobjoog News ayaa ku dheeraaday amniga iyo doorashada.

Mudane Xuseen ayaa sheegay in sanadkan ay soo kordheen 5 magaalo oo dheeri ah iyo mid konton ergo isaga oo intaasi raaciyey “ 2016-kii modelka heshiiska waxaa qeyb ka ahaa qaabka amniga loo wajahayo oo heshiis laga gaaray, hadda heshiiska arrintaas oo hoos uguma dhaadhicin, marka ma heshiis soo socdo oo dowladda iyo dowlad goboleedyada ka wada hadli doonaanaa, maxaa la iska maleeyey, maadaama ay waayo aragnimo hore jiro in sidii loo qaban doono”.

Dhanka kale, madaxa Hiraal Xuseen Macalin ayaa kala qeybiyey ciladaha jira isaga oo yiri “Marxalad waa hawsha inta ay socoto iyo sida loo ilaalinaayo habsami u socoshada hawlaha, qeybtaas waa qeyb farsamadeeda la yaqaano, oo horay loo galay, gobol walba hawshiisa waa qabsan karaa, laakin waxaa jira qeyb kale oo amniga ah ergada amnigooda badcal doorashada, waa in qorshaha lagu daro, oo laga hadlo sida ugu qurxan ee dadkaas ineysan dacawga fursad u helin, sadadkii hore waxyaabihii la gafay ayey ka mid aheyd oo waad la socotaa in 2017, 2018 iyo 2019-kii in ergada la lalaayey ama qaar isdhiibay oo Shabaab cafis weydiistay, marka arrintaas halaga hortago”.

Barnaamijka MADASHA waa todobaadle xoogga saara arrimaha siyaasadda iyo doorashada.

Goobjoog News