U bood dhigaalka

Xuseen Macallin “NISA Sharci Ma Ahan” (Muuqaal)

Sheeko:Amniga

Mid ka mid ah dadka ka faalooda amniga ayaa sheegay in hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) aysan sharci ku dhisneen, taasina ay qeyb ka tahay amni darrada dalka ka jirta.

Xuseen Macallin Maxamuud oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in dowladihii dalka soo maray aysan jirin mid sharci u sameysay NISA sida hay’adaha kale ee ammaanka dalka loogu sameeyey sharciyada.

Sidoo kale, Xuseen ayaa xusay in loo baahan yahay in sharci loo sameeyo NISA maadaama ay dalka u tahay mid aad u muhiim ugu ah.

Hoos ka daawo wareysiga:


Goobjoog News