U bood dhigaalka

Xuseen Xarakow“Sanadkan Safarkeena Waxa Uu Xambaarsanyahay Wajiyo Badan”

Sheeko:Cayaaraha

Waa safarkoodii Saddexaad ay wadankooda ku imaanaya kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia

Waxayna booqashadoodii sanadihii lasoo dhaafay ay wax badan ka badashay fikirka iyo rajada qurbajooga soomaaliyeed, ka dib markii ay la wadaageyn fariimihii iyo sawiradii ay ka qaadeyn goobihii kala gedisanaa ay booqdeyn,iyadoo dhinaca kale ay dhiiri gelin ay u samaysay in qurbajoog badan ay yimaadeyn.

Gudoomiyaha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Australia DR Xuseen Xarakow ayaa ka warbixiyay safarkadii saddexaad oo ay dalka ku imaanayaan iyo waxyaalaha uu sanadkan kaga badalan yahay labadii sano hore.

Qurbajoogta iyo bahda ciyaaraha gudaha ayaa isku raacay in kooxda Melbourne ay wax badan ka badashay xiisaha loo qabo xirfadyahanada ku koray qurbaha,iyadoo dhinac kale ay keentay xiriir dhaxmara naadiyada ka dhisan dalka iyo kuwa qurbajoogta Soomaaliyeed isla markaan badashay nolasha ciyaaryahanada ka dheela gudaha oo mar un ku hamiya ku noolaashiyaha dalal badan oo yurub.

Cali Xuseen oo ah tababaraha kooxda Melbourne horayna ugu soo ciyaaray kooxda Muqdisho iyo Gobolka Banaadir ayaa sharxaad ka bixiyay xirfadlayaasha uu sanadkan soo wado iyo ciyaaraha kala duwan ay kooxdiisa ku dheelayso magaalooyinka waaweyn ee wadanka.

Kaliya sanadkan uma imaanaya ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho waxa ay caawinaad u sameyndoono muwaadiniin badan oo dalka ku dhibaataysan tusaale ahaan waxa ay qaliin u sameyndoonaan booqaal qof oo indha fiiqis ah iyo haweenka isku-furanka waxaana howshan isku xilsaaray koox gabdha oo safarka qeybka ah sanadkan.

Axmed Maxamuud ooah gudoomiyaha dhalinyarada iyo isku dib ridka safarka Melbourne ayaa bogaadiyay arintan,isagoo sheegay in sanadkasta ay diyaar u yihiin imaatinka dalkooda sidoo kalne safaradooda sanadaha ina soo aadan ay kusoo kordhindoonaan aragtiyo cusub oo faa’ido u leh wadanka.

Kooxdan safarkooda kaliya kuma eka Gobolka Banaadir waxa ay kale oo booqandoonaan degaanada Jubaland iyo Koonfurgalbeeda waxaa iminka ka socdo diyaar xoogan oo aadan soo dhaweyntayda.

Halkan ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinkooda Soomaaliya 2018 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/541610339641702/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle