U bood dhigaalka

Xuska Munaasabadda 74 Guurada SYL Oo Dalka Oo Dhan Laga Xusayo

Sheeko:Dalka

Xuska Munaasabadda 74aad ee aasaaskii SYL ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ah, maalintan ayaa sidoo kale astaan u ah dhalinyarada iyo wadaniyadda.

Ururrada Dhalinyarada, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo bulshada rayidka ah ayaa lagu wadaa in si isku mid ah ugu dabaal-dagaan xuska maalintaas astaanta u ah wadaniyadda.

Madaxda  Sar sare ee Dalka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb-qaataan dabaadegga maalintan, Islamarkaana Hadalo ka jeediyaan  Munaasabadda Xuska 15-ka May .

Sanad kasta Maanta  oo kale  ayaa loo dabaaldagaa xuska  15-May  oo ah maalin dhalinayarada.

Goobjoog News