U bood dhigaalka

Xuutiyiinta: Cali Cabdalla Saalix Waan Dilnay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha Xuutiyiinta ayaa sheegtay in ay dileen madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalix.

Saalix ayey ku gurigiisa ku dhufteen gantaal taasi oo keentay in xabad uga dhuftaan madaxa halkaasina uu ku dhinto, warar kale ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhintay.

Xisbiga Saalix oo war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in madaxweynaha lagu dilay qoryaha meel dheer wax ka toogta ee aanu dhiman duqeynta.

Vedio la wado ayaa tusinaya Xuutiyiinta oo jiid-jiidaya meydka Cali Cabdalla Saalix, lama oga sida xaaladda noqon-doonta.

Cali Cabdalla Saalix waxaa xukunka laga tuuray 2011-kii, waxaa uu intaasi ku jiray dagaallo uu dib ugu soo noqon lahaa.

Goobjoog News