U bood dhigaalka

Xuutiyiinta: Imaaraadow Soomaalida Ammaan Siiya….Mareykan Ayey Cashar U Dhigeen

Sheeko:Dalka

Madaxa guddiga kacdoonka ee ka tirsan Xuutiyiinta Yemen Maxamed Cali Xuuti ayaa sheegay in kooxdan ay taageersantahay Soomaaliya, isla markaana ay uga digayaan Abu Dhabi inay farageliso arrimaha Soomaaliya iyo qarannimadeeda.

Mas’uulkan Xuutiga ah waxaa uu Imaaraadka xusuusiyay in dadka Soomaalida ay xor yihiin isla markaana ay horay cashar aan la ilaabi karin ugu dhigeen Mareykanka.

Maxamed Xuuti oo bartiisa Twetterka qoraal soo dhigay waxaa uu u qornaa “Waxaanu taageereynaa walaalaheen Soomaaliya, waxaan cambaareyneynaa faragelinta Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya, waxaan kaloo Imaaraadka u sheegeynaa inay qashinkooda kala fogaadaan dadkaasi xorta ah kuwaas oo cashar aan la ilaabeyn u dhigay Mareykanka, arrintaasina ku cibra-qaata intaanu waqtigi idiinka dhammaan”.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa mugdi ku jiray tan iyo bishii June sanadkii tagay, waxaana arrintaas ay ka sii dartay kadib markii Imaaraadka uu heshiis la galay Somaliland oo ay Berbera la wareegeen arrintaas oo Muqdisho u aragtay faragelinta arrimaha Soomaaliya iyo qarannimadeeda.

Goobjoog News