U bood dhigaalka

Xuutiyiinta oo Aqbalay Xabadjoojinta Sacuudiga iyo Dadka Reer Sacda oo La Xasuuqay

Sheeko:Dalka

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ayaa aqbalay xabadjoojinta ay ku dhawaaqeen Sacuudiga si muddo shan maalmood ah loo dardargaliyo howlaha Banii’aadamnimada.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa maanta oo Axad ah sheegay in ay aqbaleen Xabadjoojinta Sacuudiga, Xabadjoojinta ayaa ka bilaaban doonta maalinta Talaadada ee soo socota.

Dhinaca, Sacuudiga ayaa duqeyn k wada dalka Yemen, Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen ayaa sheegay in xulafada ay Sacuudigu hogaaminayaan ay duqaynayaan ‘shacabka go’doonsan’.

Shacabka ku sugan magaalada waqooyiga ku taala ee Sacda ayaa dhibaato kala kulmaya sidii ay uga baxsan lahaayeen, weerarada ay xulafadu ku bartilmaameed sanayaan jabhadaha Xuutiyiinta ah.