U bood dhigaalka

Xuutiyiinta oo Godkoodii Biyo ugu Galeen, Sacda Dagaal ayaa Ka Socda

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in kooxaha kasoo horjeeda Xuutiyiinta ay ku dhawaadeen magaalada Sacda, saldhiga ugu weyn Xuutiyiinya ee Waqooyiga dalka Yemen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in meelo badan oo ka tirsan  Sacda ay u muuqato Mucaaradka iyo taageerayaasha Cabdirabu Mansuur Haadi.

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo taageerayaasha Mansuur ayaa sidoo kale isku hor fadhiya Ebyen, Taciz iyo Cadan.

Dhinaca kale, Xulifada uu Sacuudiga hogaaminayo ayaa dagaalka cirka ah kula jira Xuutiyiinta Sanca iyo goobo kale, iyadoo dad badan ay ku dhinteen.

Dalka Yemen waxaa ku go’doonsan Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu qiyaasay 500,000, mana jirto cid arintaas si fiican wax uga qabatay.