U bood dhigaalka

Xuutiyiinta oo Lagu Eedeeyay Dagaalo iyo Rabshado ka hor Imaanaya Xabad Joojinta

Sheeko:Dalka

Dagaalo ayaa lagu waramayaa in Xuutiyiinta ka wadaan magaalada Taciz iyo meelo kale, Koofurta dalka Yemen.

26 ka tirsan Xuutiyiinta iyo taageerayaasha Cali Cabdalla Salix ayaa Jimcadii lagu dilay qeybo ka tirsan magaalada Taciz ee koofurta dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa lagu eedeeyay in Xabad Joojinta ku xad gudbeen isla Talaadadii, iyagoo qabsaday weybo ka tirsan Magaalada Taciz.

Dhakhaatiir goobta ku sugan ayaa sheegtay in duqeynta Ciidamada Cali Cabdlla Salix ay ku dhinteen 8 qof oo 3 ka mid ah caruur yihiin.

Khamiistii War saxaafadeed kasoo baxay Xulufada waxaa lagu sheegay in Xuutiyiinta looga digayo ku xad gudubka Xabad Joojinta.

Dalka Yemen waxaa ku go’doonsan in ka badan Nus Malyan Soomaali ah, dadka oo isugu jira Qaxooti iyo Muwaadiniin caadi u degan ayaa weli sugaya balanqaadka dowladda Soomaaliya oo ahaa in ay dadkaasi soo daad gureeyaan.