U bood dhigaalka

Yaa Dayacay Sool iyo Sanaag?! Dowladda Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay!

Sheeko:Dalka, War

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay dayacday gobollada Sool iyo Sanaag, arrintan ayaa timid kadib markii Goobjoog News ay xiriir la sameysay madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr, Xukuumadda federaalka ah, Xildhibaannada federaalka ah iyo dadka deggan Sool iyo Sanaag si looga jawaabo “ Yaa Dayacay Sool iyo Sanaag”?!!

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khalif Galeyr oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dayacday dadka ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ama Khaatumo.

Mr. Galery oo codkiisa caro ka muuqato waxaa uu yiri“Dowladdan federaalka umadda ayey naga dhex-saareen, xuquuqdii aanu lahey ayey noo diideen, waa na Hodeen, Been ayey noo sheegee, waxba nooma reeban, Lacag badan ayaa la siiya oo magaca Soomaaliya ay ku helaan, shillin nagama soo gaarin”

Cali Khalif Galeyr waxaa uu  sidoo kale ku dooday in dowladda federaalka aaney dhowrin dastuurka dalka u yaallo, oo ay tahay in umadda lagu xushmeeyo.

“Dhinaca dastuur umada u dhaxeeya, oo dhigaya in la ilaaliyo xuquuqda, nalama siin wax wax xuquuq ah, inagga sida naloola dhaqmay xitaa marti kama nihin dalkan, si hoose ayaa naloo dhaqmay adeer”

Cali Khalif oo sii hadaya waxaa uu yiri“ Waxaa ku tilmaami karo ma jiraan, dhibaatada naloo geystay ilaa isticmaar nama yeelin”

Mar aan wax ka weydiiney arrinta wada hadalka Somaliland waxaa uu yiri

“Cid aan fiiso uga baahannahay ma jirto, dad xoolo ah ma nihin, iyaga ayaa dadkan maslaxadooda yaqaan, danteena iyo xuquuqdeen meeshii aan ka heleyno ayaa adeeynaa”.

Dhinaca kale, Goobjoog News ayaa la xiriirtay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka oo ah midda mas’uul ka ah File-ka federalism-ka dalka si ay uja jawaabaan cabashada Cali Khalif Galeyr, wasaaradda waxaa ay qirtay in uu jiro dayacaad lagu hayo dadka ku nool Sool iyo Sanaag, laakin waxaa ay sheegtay in ay diyaarisay barnaamij hor-umarineed oo dhawaan la bilaabi doono gobollada Sool iyo Sanaag.

Saraakiisha wasaaradda ee la hadlay Goobjoog News waxaa sheegayaan in Khaatumo aaney waafaqsaneen  hannaanka federaalka ah ee ka jira, taas waxaa ku tusinaya labo arrin: Khaatumo kama tirsana madasha hoggaanka qaran iyo arrinta 2aad oo ah kuma jirto New Deal-ka taasi oo aad ogtahay in lagu helo kaalmada iyo deeqaha caalamka”.

Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay qirtay in la dayacay Khaatumo iyo guud ahaan gobollada Sool iyo Sanaag, Laakin wixii bishii February ee sanadkan ka dambeeyay dowladda waxaa ay bilowday ka fakirista sidii gobollada Sool iyo Sanaag si gaar ah wax loogu qaban-lahaa, qorshahaas oo dhawaan bilaaban doona….sidaa waxaa Goobjoog u xaqiijiyay mas’uul u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya waa sheegtay in uu jiro, ka gaabsato arrimaha Khaatumo, taasina sababta ay leedahay Puntland oo saameyn ku leh go’aannada dowladda federaalka ah gaar ahaan madasha hoggaanka qaranka.

Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdulahi oo ka tirsan xildhibaannada federaalka ah ee ka soo jeeda deegaannada Sool iyo Sanaag ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah iyo madaxweyne Xasan Sheekh in ay dayaceen Khaatumo iyo guud ahaan Sool iyo Sanaag.

“Dowladda Xasan Sheekh Cadaalad darro ayey ku sameysay Khaatumo, Rabbi iyo Soomaalilnnimo dheg jalaq looma siin” ayuu intaa ku daray Xildhibaanka.

Mar aan wa ka weydiiney in dowladda ay sheegtay in Khaatumo aaney ku jirin heshiiska New Deal-ka, Xildhibaanka waxaa uu is weydiiyay sida Khaatumo looga weyn karo, isagoo sheegay  in ay tahay maamulkii 3aad ee dhisma Somaliland iyo Puntland kadib.

Ugu Dambeyntii waxaa Xildhibaanka weydiiney in dacayaadda Sool iyo Sanaag ay dadkaas marmarsiyo uga dhigan karaan in ay ka go’aan Soomaaliya?

Xildhibaanka oo qoslaya ayaa ku jawaabay, Maya, taasi ma aha, wada hadal ayaa u socda labada dhinac, wax badan ayaa laga wada hadli karaa, labada dhinac wax badan ayaa ka dhaxeeyay, marka lama dhihi karo midnimadii ayaa meesha ka baxeysa.

Goobjoog News ayaa dhinaca kale la hadashay dadka ku dhaqan deegaanka kuwaas oo ku dheeraaday waxyaabaha ay ka tabanayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya, qaarkood waxaa ay sheegeen in dowladda ay hal mar uun ka heleen daawo iyo Filinbooyin uu keenay Cali Khalif, wax kale oo dhanka dowladda uga tagay nooma sheegin.

Hadaba, Haddii dhinacayada kala duwan ay qirteen in la dayacay Sool iyo Sanaag, Ma sidaan ayaa raali lagu noqonayaa mise waxaa loo baahan yahay isbadal siyaasadeed oo degdeg ah, Ma indhaha ayaa laga qabsadaa mise waa laga hadlaa xaaladda Sool iyo Sanaag? Mise Dayacaaddii hore ayaa mid kale lagu dari rabaa?.

W/Q: Abdi Aziz GurbiyeGoobjoog News