U bood dhigaalka

Yaa Fashiliyay Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya Oo Maanta Lagu Ballan-sanaa?

Sheeko:Dalka

Maanta, waa 30-ka November 2016-ka, shacabka Soomaaliyeed waxaa ay sugayeen in dalka uu yeesho madaxweyne cusub,  taasi ma dhacin, lamana hayo xataa maalin kale oo la sheegi karo in ay dhaceyso doorashada, waayo fashil kale ayaa ku yimid jadwalka doorashada dadban, waa markii 3-aad ee jadwalka guddiga doorashada fashilmo, waana markii 4-aad ee jadwal doorasho shaqeyn waayo marka lagu daro jadwalkii wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka bishii August.

Hadda Xildhibaannada la doortay waxaa ay gaarayaan ilaa 180 Xildhibaan oo ka mid ah 275-ta uu ka kooban yahay baarlamaanka federaalka ah, waxaa kaloo la doortay 43 Xildhibaan oo aqalka sare ah kuwaas oo qeyb ka ah 54-ka aqalka sare.

Haddii aad jeceshahay faah-faahinta doorashada:

Puntlad:  Puntland doorashada aqalka hoose kama socoto sababo la xiriira qarsh la’aan, ilaa iyo hadda waxaa ay doorteen 23 Xildhibaan oo ka tirsan 37-bada laga sugayo, 2 haween ah ayaa Garoowe lagu doortay.

Galmudug: Galmudug doorashada waa ka socotaa doorashada dadban ee aqalka hoose, 27 Xildhibaan oo ka mid ah 36-da laga sugayo ayaa la doortay, 7 haween ah ayaa lagu doortay Cadaado.

Hirshabeelle: Hirshabeelle kama socoto wax doorasho ah, waxaa doorashada loo hakiyay kadib is-qab-qabsi dhanka kuraasta ah, 26 Xildhibaan oo ka tirsan 37-bada laga sugayo ayaa la doortay, 5 Haween ah ayaa Jowhar lagu doortay.

Koofur Galbeed: Koofur Galbeed waxaa ka socota doorashada aqalka hoose, 61 Xildhibaan oo ka tirsan 69 ayaa la doortay, 12 Haween ah ayaa lagu doortay Baydhabo.

Jubbaland: Jubbaland waxaa ay soo gabagabeysay doorashada labada aqal, 43 Xildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 8 aqalka sare ah ayaa lagu doortay Kismaayo, aqalka hoose 10 ka mid ah waa Haween.

Banaadir waxaa ay doorashada dadban ee aqalka hoose bilaabeysaa maanta oo arbaco ah halka Somaliland aan la ogeyn xiliga ay bilaabayaan doorashada labada aqal, midda hore waxaa laga sugaa 7 Xildhibaan halka Somaliland laga sugayo 46 aqalka hoose ah iyo 11 aqalka sare.

Hadaba, fashilkaas doorashada madaxtinnimada ku yimid, Yaa mas’uul ka ah? In doorasho 3 mar iyo ka badan dib u dhacdo waa arrin aan ka jirin dunida sharafta leh, in dadka arrintaas mas’uulka ka ah lala xisaabtami waayo waa arrin kale oo ka dhacda uun dalka Soomaaliya!!

Qof kasta oo doorashada la socdey waxaa uu dareemi karaa in mas’uuliyadda ay qeysanayaan guddiga doorashada dadban ee heer federal oo ballamo been qabtay iyagoo iska dhigay in ay gacanta ugu jirto waqtiga iyo go’aanka doorashada, beelaha Soomaaliyeed iyo ergada oo is-qabqabsi, buuq iyo muran dhexdooda ah waqtiga ku dhameeyay, maamul goboleedyada iyo beesha caalamka oo faragelin ku haya doorashada dadban.

Maamuullada qaar waxaa ay hakiyeen doorashada Puntland  hadda ayaaney doorasho ka socon, Hirshabeelle ayey horay uga dhacday dib dhac doorasho, Somaliland warkeeda iska daa, sidoo kale beesha caalamka oo saqiir iyo kabiir gacanta kula jirta, odoyaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed waxaa ay u dacwoodaan beesha caalamka, guddiga doorashada sidoo kale, murashax, ergo iyo cid walbo oo cabasho qabta waxaa ay si toos ah ula xiriirtaa beesha caalamka, taas oo meesha ka saareysa madax-bannaanida iyo qarannimada umadnimo!!

Afhayeenka guddiga doorashada dadban, Maxamed Keynaan oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu difaacay shaqada guddiga doorashada mid federal iyo mid maamul goboleed, isagoo sheegay in ujeedada ay ahayd in doorashada dadban ay dhacdo 2016-ka gudahiisa ballantaasina ay ka soo bixi doonaan oo doorashada afhayeenka labada aqal iyo madaxtinnimada ay dhici doonaan December gudaheeda.

“Waxaa diyaar ah 186 Xildhibaan, waxaan ugu yeernay in ay Muqdisho yimaadaan, si shahaadooyin loo siiyo inta kuraastooda aan muranka ku jirin, kadib waxaa la bixin doonaa I’D’s-ka Xildhibaannada, shaqadaas kadib waxaan ka guddi doorasho ahaan ku dhawaaqi doonaa xilliga la dooranayo guddoonka labada aqal iyo xitaa maalinta la dooranayo madaxweynaha”

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,