U bood dhigaalka

Yaa Goobjoog Ka Ahaa Kulanka Madaxweyne Farmaajo Iyo Boqorka Sacuudiga?

Sheeko:Dalka

Sida ay qoreyso wakaaladda wararka Sacuudiga kulan looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga iyo arrimaha gobolka ayaa waxaa  arbacadii hoyga Nabadda ee magaalada Jidah ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Caziz.

Kulankan, dhanka Sacuudiga waxaa  joogay Amiir Khalid Faysal Bin Cabdi Casis oo ah la taliyaha boqorka iyo Amiirka Makka, Dr. Mansuur Bin Mutcib Bin Cabdi Casis oo ah La taliye iyo wasiir dowladda ka tirsan, Musaacid Bin Maxamed oo wasiir ah, Ibrahim Bin Cabdi Casis Casaaf, Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Jubeyr, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Bin Cabdalla Jadcaan iyo Safiirka Boqortooyada ee Kenya iyo Soomaaliya Maxamed Cabdi Qani Khayaadh.

Dhinaca Soomaalida waxaa joogay Wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad, Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Maxamud Geelle iyo Lataliyaha Madaxweynaha Bilaal Cusmaan Maxamed.

Wararka Booqashada iyo natiijada Kala soco, Goobjoog News