U bood dhigaalka

Yaa Ka Tacsiyeeyey Qaraxii Ex-control, Afgooye?

Sheeko:Amniga

Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa noqdey hey’adda dowliga ah tan ugu horeysay ee ka tacsiyeysa qaraxa, waxaa ay sidoo kale hakiyeen fadhigooda.

Guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa xusay in maanta golaha uu go’aan saday in ay tahay maalin tacsi ah goluhuna uusan shir qaban karin madaama uu ku madlansanaa inuu ka doodo aqrinta labaad sharciga warfaafinta waxaana uu yiri” Waxaan ka xunnahay in geeri xanuun badan nagu dhacday,  oo dad badan oo tiradiisa la’ leeyahay aad ayey u badan tahay qaraxii saakay dhacay nooga dhinteen, sidaa darteed aqalku waxaa uu go’aan saday in maanta ay tahay maalin tacsi ah oo aan shir qabin karin iyo shaqo lakiin aan u tacsiyeeyno kaliya dadkii Soomaaliyeed ku geeriyooday dhacdadaas naxariis darada ah”.

Dhanka kale golaha shacabka oo shaqadiisa caadiga ah iska siiwatay ee maalinleha  ahaa ayaa ka tacsiyeey wixii dhacay qoraal kooban oo golaha shacabka  ka soo  baxay ayaa  waxaa lagu yiri “Xildhibaanadda golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulankooda 27-aad ee kalfadhiga 6-aad waxa ay marka hore ka tacsiyadeeyeen Qaraxii Argagixisadu maanta ka geysatay isgoyska Control Afgooye inuu dadkii halkaas ku shahiiday uu rabi naxriistii jano ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay bogsiimo deg deg ah waxa ayna sidoo kale Akhrinta 3-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka”.

Dhinaca kale guddoomiya madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa ku biiriyey tacsida dadkii saakay ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Muqdish, qoraal kooban oo uu soo dhigay bartisa ayuu ku yiri” Ugu horreyn waxaan murugada la wadaagayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed anigoo cambaareynaya falkii foosha xumaa ee argagixisada Shabaab ay ku laayeen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan maanta.

Argagixisadu waxay duulaan ku tahay jiritaanka qarannimadeena waana waajib na wada saaran inaan u midowno sidii looga hortagi lahaa, waxaana ku baaqayaa shacab, madax iyo dowladba in ay u wada istaagaan la dagaalanka kooxdan sida arxanka daran u gumaadeysa umaddeena”.

Si la mida ah Madaxweynaha dowlad golabaleedka Jubbaland oo dhankiisa ka tacsiyeey qaraxii saakay dhacay, qoraal kooban oo ka soo baxday Madaxtooyada Jubbalanda ayaa waxaa lagu yiri” Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qarax saaka ka dhacay isgooyska EX Contoral Afgooye halkaas oo ay ku naf waayeen Dad shacab ah oo u badnaa arday u socotay goob waxbarasho.

Waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu xanuunka la qaybsanayo ehelada dadkooda ku waayay masiibadan, Madaxweynahu wuxuu dadka halkaas ku geeriyooday Allah uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana kuwa dhaawaca ah ayuu u rajeeyay Caafimaad deg deg ah”.

Dhankiisa, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warasame ayaa si la mid ah ka tacsiyadeeyey qaraxii saakay ka dhacay X koontarool qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku yiri ” Waxaan canbaaraynaa weerarka argagexiso oo damiir, arxan iyo diin la’aanta ah oo ay kooxda argagexisada Al-shabaab ku qaadeen shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa isbaarada kala wareeg ee Ex koontarool Afgooye, waa fariin ay u dirayaan shacabka oo ay leeyihiin cidna u turi mayno, idinmana kala jeclin, Isbitaalada waxaa laga soo sheegayaa, in ay jirto dhiig la’aan. Waan ka xumahay in aanan dalka joogin oo aan dhiig shubi karin. Waxaan haddaba shacabka ku boorinayaa in degdeg dhiig loogu shubo dhaawaca”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey  qarax iyada oo barta Villa Somalia ay soo qortay “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.

Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.”

Goobjoog News