U bood dhigaalka

Yaa Ku Tartamaya Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa hadda magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland  ka socota doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulkaasi.

Arrintan ayaa imaaneya kadib markii guddoomiyihii hore Dhoobo Direed shaqada laga diray 7-badii bishan, waxaa mooshin ka keenay ilaa 45 mudane.

Doorashada maanta ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku tartamaya 3 Musharax oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdijamaal Maxamed Cusmaan iyo Cali Axmed Saalax.

Goobjoog News